Somalia iyo Itoobiya oo ka shiray arimo ku saabsan howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Africa ee AUSSOM

Wasiiro ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Muqdisho ku yeeshay shir ay kaga wada hadleen fulinta iyo dhamaystirka heshiiskii Ankara, Turkey iyo arimo ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Africa ee AUSSOM.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caaisha Maxamed iyo wafdi ay hor-kacayso oo shalay Muqdisho tagtay ayaa la kulamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday maalintii Arbacada.

Itoobiya ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *