SoDMA oo sheegtay in dalku wajahayo abaar adag

Mr Maxamuud Macalin Cabdulle, Guddoomiyaha Hay’ada Maareynta Musoobiynka qaranka ee SoDMA ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee hey’ada ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho manta 30 December 2024.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay adag oo abaaro ah in la galaday dalkuna uu u baahanyahay gurmad iyo dadaal aan loo kala harin. Tan  ayuu yiri waxay imaaneysaa markii uu baaqday xilli roobaadkii Deyrta intii lagu gudo jiray bilihii la soo dhaafay ee September ilaa November.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen.

Hay’adda SoDMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayaa Saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo wali u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha Dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha, in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto, halka uu u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *