Shirka golaha wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u guddoomiyey furitaanka Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ah shir heer qaran ah oo diiradda lagu saarayo mustaqbalka siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Shirka, oo qeyb ka ah gogosha wadatashi ee uu fidiyay Madaxweynaha, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo madaxda dowlad-goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed (Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed), Hirshabeelle (Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen), Galmudug (Mudane Axmed Cabdi Kaariye), iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo (Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali), iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa arrimo muhiim u ah masiirka dalka oo ay kamid yihiin: xaaladda amni ee guud ahaan dalka, howlgalada xoreynta ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dhameystirka dastuurka KMG ah, xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida iyo dardargelinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn buuxda oo dhexmarta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada si loo gaaro yoolalka qaran ee amniga, cadaaladda iyo horumar waara.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu socdo maalmo dhowr ah, iyadoo laga filayo in laga soo saaro go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah oo saldhig u noqon doona marxaladda xigta ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *