Shir Muhiim ah oo u Dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo Ka Furmay Nairobi

Nairobi – Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin lagu horumarinayo ilaha wax-soo-saarka dalka.

Shirka oo socon doona muddo afar maalmood ah, ayaa waxa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, waxaana ka qeyb galaya wufuud ka kala socda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga Dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Tirakoobka Qaranka, iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Inta lagu guda jiro shirka, waxaa si qoto dheer loo falanqeynayaa waxqabadka Dowladda tan iyo markii la gaaray go’aankii cafinta deynta dalka, iyadoo sidoo kale xoogga la saarayo diyaarinta qorshayaal dhaqaale oo waara, iyo maalgelinta mashaariicda horumarineed ee lagu gaari karo isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, isaga oo tilmaamay in howlahaasi ay hadda u socdaan si nidaamsan oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah ee maamulka maaliyadda.

“Dowladdu waxay ka go’an tahay in la xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed, iyadoo laga duulayo baahida shacabka iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah,” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirka waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, isagoo xusay in ay door weyn ka qaataan taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed ee lagu horumarinayo hay’adaha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu horseedo heshiisyo iyo is-afgaradyo hor leh oo xoojin kara xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, si kor loogu qaado koboca dhaqaalaha iyo xasilloonida maaliyadeed ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *