Beijing – Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeedisay Machadka Daraasaadka Afrika iyo Shiinaha, taasoo ka mid ahayd munaasabadaha sanadkan lagu maamuusayo sanadguuradii 65-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Khudbadda oo lagu magacaabay “Soomaaliya iyo Shiinaha 65 Sano Kadib: Xiriir Istiraatiiji ah oo Galaya Weji Cusub,” ayaa Safiiraddu si qoto dheer uga hadashay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxay xustay in Soomaaliya ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee aqoonsada Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, taasoo saldhig u noqotay saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada dowladood.
Safiir Hodan ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Shiinaha ay haatan doonayaan in ay xiriirkooda u kobciyaan heer sare, iyadoo xoogga la saarayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, horumarka, iyo dowlad-dhiska. Waxay sidoo kale tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi dhab ah oo natiijooyin la taaban karo leh, kaasoo wax weyn ka tari kara horumarinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo ganacsatada.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ahayd taxane dhacdooyin ah oo ay safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha u qabatay xuska sanadguurada 65-aad ee xiriirka labada dal. Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa lagu tilmaamaa mid ku dhisan ixtiraam, wax wada qabsi iyo saaxiibtinimo soo taxnayd muddo dheer.
Dhacdadan ayaa muujinaysa sida labada dal uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyaga oo wajahay fursado cusub oo iskaashi.