Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay oo Muqdisho ku kulmay

Ka dib booqasho uu Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ku tagay guriga Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xussen Rooble manta 1 Febraayo 2025, labada mas’uul ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay guriga Raysal wasaaraha.

Labada mas’uul ayaa salaan kadib iska  xog-wareystay marxaladda guud ee dalka iyo arrimaha muhiimka u ah horumarka dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Rooble iyo Swan ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda loo qabo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho xor iyo zalaal ah, isla markaana loo wada dhan yahay kuna qabsoonta waqtigeeda.

Raysal Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Mr James Swan arima muhiim u ah horumarka dalka oo ay ugu weeyntahay sido loo qaban lahaa doorasho loo wada dhanyahay.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *