MUQDISHO (Wargeyska.net) –Mudane Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kula yeeshay haweenka qaranka Soomaaliyeed halkaaso ay uga wada hadleen doorka haweenka ay ku leeyihin dib u heshiisiinta, wacyigelinta bulshada ee hirgelinta qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda gobolka banaadir iyo guud ahaan dalka oo dhan.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku amaanay haweenka Soomaaliyeed doorka lixaadka leh oo ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga— garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo, aniga oo u qiraya kaalinta ay ku leeyihiin dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey haweenkii uu la kulmay.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga Qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.