Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminaayo Raysal Wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee magaalada madaxda ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed maanta, 19 December 2024.
Madaxweynaha dowlada goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasis Xassan Maxamed (Laftagareen] oo ay wehliyaan madax ka tirsan maamulkiisa ayaa wefdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaarada ee magaalada Baydhabo.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa u gaaray magaalada Baydhabo si loo xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta xukuumada federalka ah ee Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo inuu ka qeybgalo sanadguuradii 6-aad ee madaxweyne Cabdicasis Xassan Maxamed (Laftagaren).
