Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Xarunta Casriga ah ee Wasaaradda Beeraha

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah oo loogu talagalay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhacday goobta dhismaha xarunta cusub, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku muujiyey sida ay muhiim u tahay in Wasaaradda Beeruhu ay hormuud ka noqoto dadaallada lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha, maadaama beeraleydu door muhiim ah ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qeyb weyn ka tahay qorshaha dowladdu ku tayaynayso hay’adaha qaranka, gaar ahaan kuwa saameynta tooska ah ku leh nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in dhismaha xaruntan casriga ah uu sare u qaadi doono hufnaanta adeegyada ay wasaaraddu siiso shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in isbeddelka cimilada adduunka uu si weyn u saameeyay wax-soosaarka dalagyada beeraleyda, taas oo sii adkaysay xaalada amni-cunto ee caalamka. Sidaas darteed, ayuu sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo maalgashiga gudaha si loo kobciyo wax-soosaarka dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha si loo gaaro isku filnaansho dhinaca cuntada ah, iyadoo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabkuna ay tahay mid ka mid ah hay’adaha aas-aaska u ah hiigsigaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *