Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, Qaranka iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kaddib geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo maanta ku geeriyooday dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay in Jeneraal Moorgan uu ahaa sarkaal caan ku ahaa karti, hoggaan iyo geesinimo, isla markaana door weyn ka qaatay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska, Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka qalab-sida geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo, kaalin weynna ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Marxuum Jeneraal Moorgan ayaa kamid ahaa saraakiishii laf-dhabarta u ahayd dowladdii dhexe ee hore, waxaana lagu xasuustaa doorkiisii firfircoonaa ee difaaca dalka iyo hoggaaminta ciidamada. Waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo jagooyin kale oo muhiim ah.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisana, ciidamada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna uu siiyo samir iyo iimaan.