Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ay wehelinayeen hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye), ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo gobolka Sool.
Mashaariicdan cusub ayaa ka mid yihiin dhismaha garoon diyaaradeed oo casri ah oo laga dhisayo magaalada Laascaanood, iyo mashruuc koronto lagu gaarsiinayo 45 xarumood oo isugu jira kuwa waxbarasho iyo daryeelka caafimaadka. Mashaariicdan ayaa lagu wadaa in ay si weyn uga jawaabaan baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan bulshada deegaanka, gaar ahaan dhinacyada adeega caafimaadka iyo waxbarashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in mashaariicdan ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladdu ugu jirto sidii loo horumarin lahaa kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee gobollada dalka, si kor loogu qaado fursadaha horumarineed iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
