Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga oo ku beegan 19-ka Maajo, taasoo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dal kasta, isaga oo xusay in mustaqbalka qaranku uu si toos ah ugu xiran yahay jihada ay dhallinyaradu qaadaan.
“Mustaqbalka qaran walba wuxuu gacanta ugu jiraa dhallinyaradiisa. Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada lagu hoggaamiyo jidka toosan, si dalku horumar waara u gaaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Turkiga, isaga oo muujiyay sida uu u qoto dheer yahay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
“Soomaaliya iyo Turkiga waxa ka dhexeeya walaaltinimo qoto dheer oo ku dhisan kalsooni, is-garab istaag iyo iskaashi joogto ah. Maalmahii ugu adkaa ee dalka, Türkiye waxay la garab istaagtay Soomaaliya — waxay dhistay isbitaallo, waddooyin, iskuullo, waxayna abuurtay rajo. Waxay tababartay ciidamada, waxayna xoojisay hay’adaha dowladda, iyadoo mar walba garab taagan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed iyo kuwo casri ah, oo lagu muujinayay qiimaha iyo muhiimadda maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19-ka Maajo iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka Maajo.
Xuskan ayaa ahaa mid xoojinaya xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyadoo la adkeynayo doorka dhallinyarada ee mustaqbalka labada ummadood.




