Ra”iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirweynaha Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Soomaaliya.
Shirkan oo ayaa soo qaban qaabisay wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka ayaa looga hadlayaa ilaalinta iyo hormarinta arrimaha Xuquuqul Aadanaha,waxana ka qeygalay wasiirro, xildhibaanno katirsan BFS,xubno ka socda maamul goboleedyada, wakiilllo kale ee ka socda qar kamid ah beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo furay shirka ayaa wasaaradda Qoyska ku bogaadiyey qabashada shirweynahan, isagoo sheegay inay Soomaaliya ku jirto waqti wanaagsan islamarkaana dowladda u tahay ilaalinta Xaquuqul Insaanka tiirarka ugu wayn.
“Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya hoggaan u noqon laheyd dhowridda xuquuqda aadanaha.” Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali.