Addis Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, ayaa si cad u sheegay in waxa ugu weyn ee uu ka murugoodo yahay in dalkiisu uusan lahayn marin baddeed, taasoo uu ku tilmaamay dhaawac qaran oo weli bogsan la’ iyo midda ugu weyn ee ka hor taagan horumarka iyo nabadda dalka Itoobiya.
“Waxaa caloolxumo iyo murugo igu haysa in Itoobiya ay in ka badan 30 sano bad la’aan tahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, isaga oo ka hadlayay wareysi dheer oo uu siiyay warbaahinta dalkiisa, unajeeddadiisu ahayd in lagu falanqeeyo waxqabadka dowladdiisa.
Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay bad la’aanta ay Itoobiya wajahdo in ay tahay “khiyaano juqraafiyeed oo ummad xor ah looga jaray marinadii badda, taasoo ay ka dhalatay caddaalad-darro taariikhi ah.” Wuxuu xusay in xaaladdan aysan ahayn mid laga aamusi karo ama lagu qosli karo, balse ay tahay masiibo qaran oo raad ku reebtay karaamada iyo xiriirka Itoobiya ay la lahayd dunida inteeda kale.
“Badda la’aanta Itoobiya waa nabar qaran oo aan bogsan, waa murugo taariikheed oo laga dhaxlay dulmi waqti fog. Itoobiya dookh kale maleh, balse waa ku khasban tahay in ay raadiso marin badeed si ay uga baxdo gardarradaas, iyadoo ilaalinaysa karaamadeeda iyo sharafta ummaddan fac weyn,” ayuu yiri Abiy Ahmed.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya xilli uu socdo diyaargarow la xiriira safar uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi (Cirro), ku tagi doono magaalada Addis Ababa, halkaas oo lagu wado in uu kulamo la yeesho Abiy Ahmed si dib loogu furo wada hadalladii muranka dhaliyay ee ku saabsanaa heshiiskii ay hore u gaareen Somaliland iyo Itoobiya.
Heshiiskaasi oo Itoobiya uga gol lahayd helidda marin badeed, Somaliland-na ay ku dooneysay aqoonsi rasmi ah, ayaa fashilmay kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid, kuna tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Muranka ku saabsan arrintan ayaa sare u qaaday xiisadda diblomaasiyadeed ee gobolka, waxaana weli socda dadaallo ay wadaan dhinacyo badan oo lagu doonayo in lagu xalliyo arrimaha ka dhashay heshiiskaas muranka dhaliyay.