Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ula wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii dhawaan ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed rasmi ah oo kasoo baxay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha ee deegaanka SSC-Khaatumo.
Maxaabiistan ayaa waxaa dowladda Federaalka ku wareejiyay maamulka SSC-Khaatumo, ka dib wadatashi lala yeeshay golayaasha maamulka, iyagoo caddeeyay in maxaabiistu ku jiraan duruufo gaar ah, ayna doonayaan in loo celiyo eheladoodii si nabad ah.
“Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka, ayaa ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka deegaanka SSC-Khaatumo, iyadoo la tixgelinayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha. Dowladda Federaalka ayaana dib ugu celin doonta ehelkoodii iyaga oo badqaba,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.
Sidoo kale, heshiisyo muhiim ah ayaa lagu gaaray kulammada ka dhacay Laascaanood, waxaana si cad loogu dhawaaqay in maamulka SSC-Khaatumo uu noqday maamul goboleed rasmi ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu leeyahay xubinnimo buuxda oo Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC).
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in deegaannada SSC-Khaatumo aysan ahayn kuwa lagu muransan yahay, taasoo meesha ka saaraysa sheegashooyinka ka imaanayay dhinacyo kale. Sidaas darteed, dowladda federaalka ayaa ugu baaqday hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, in si caadi ah uga hawlgalaan deegaanadaasi.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka iyo Maamulka SSC-Khaatumo ayaa isla meel dhigay in si wadajir ah looga shaqeeyo dib-u-habeynta iyo horumarinta ciidamada deegaanka, si ay ula jaanqaadaan nidaamka amniga qaranka ee dowladda dhexe.
Waxaa sidoo kale labada dhinac ku heshiiyeen in la hirgeliyo mashaariic horumarineed oo wax ka beddeli doona nolosha dadka deegaanka, si loo xaqiijiyo adeegyada bulshada iyo horumar waara.
Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha iyo heshiisyada la gaaray ayaa la rumeysan yahay inay yihiin tallaabooyin waaweyn oo xoojinaya wadajirka qaranka, kana jawaabaya baaqyada shacabka SSC-Khaatumo ee la xiriiray aqoonsi, horumar iyo nabad waarta.