Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Siyaasadeed

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is-diiwaangeliyay, kuwaas oo door muhiim ah ku leh geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda iyo ururrada siyaasadeed, dar-dargelinta hirgelinta doorashooyin ku saleysan nidaamka qof iyo cod, iyo dhisidda hanaan siyaasadeed oo hufan, daahfuran isla markaana kalsooni ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la abuuro fursado siyaasadeed oo siman, si dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay codkooda uga dhiibtaan mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka qeyb-qaataan go’aan ka gaarista hoggaanka dalka.

“Waxaan mudnaan gaar ah siineynaa sidii loo hirgelin lahaa doorashooyin loo dhan yahay oo hufan, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee ururrada siyaasadeed ay ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka siyaasadeed, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sii wadi doonto la-tashiyada qaran ee la xiriira dhismaha nidaamka siyaasadeed ee dalka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhageysto aragtida ururrada siyaasadeed ee ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *