Puntland oo joojisy ajaanibta ku soo galaysa sida sharci darada ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo ‘ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland,’ isagoo faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay ka howlgalaan arrintan.

Madaxweyne Deni ayaa amarkan la socodsiiyay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Dekedaha, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay in amarkan la ogeysiiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

“Dhammaan hay’adaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu wargelinayaa in la joojiyay, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 20/2/2025, in ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka aysan soo geli karin gudaha deegaanada Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada uu soo saaray Siciid Deni.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la soo saari doono xeer gaar ah oo lagu maamuli doono nidaamka dal-ku-galka ajaanibta soo galaya Puntland, taas oo muujinaysa in Puntland ay dejinayso qorshe ka madax-bannaan kan dowladda federaalka.

Amarka ka soo baxay Madaxweynaha Puntland wuxuu salka ku hayaa dagaalka ay kooxda Daacish ku qaaday Puntland, iyadoo maamulka Puntland uu ogaadey in dagaalyahannada ku sugan buuraha ay u badan yihiin ajaanib.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *