NISA oo ka digtay in loo dhago nuglaado Al-Shabaab

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (NISA) ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego-nuglaadaan amarada kasoo baxa kooxda Alshabaab oo ay kamid yihiin bixinta waxay ugu yeertay lacagaha baada ah. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 4-tii Diseembar 2024, kaasoo ku saabsanaa joojinta maalgelinta argagixisada.

NISA waxay shaaca ka qaaday in si dhow loola soconayo dhaqdhaqaaqyada la xiriira la macaamilka Alshabaab, waxayna sheegtay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ayaa muwaadiniinta ku  boorisay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka wxyeellada leh ee kooxda Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *