Midowga Afrika oo Qorsheynaya Howlgal Cusub oo Nabad Ilaalin ah oo Soomaaliya Ka Bilaabanaya 2025

Muqdisho – Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in howlgal cusub oo nabad ilaalin ah oo lagu magacaabo AUSSOM (AU Support and Stabilisation Mission in Somalia) uu si rasmi ah uga hawlgalo Soomaaliya bisha Luulyo 2025, isagoo beddelaya howlgalka ATMIS oo muddo xileedkiisii ku ekaa 1-dii Janaayo 2025.

Howlgalka AUSSOM ayaa noqon doona wajiga saddexaad ee dadaallada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya, waxaana xoogga la saari doonaa in la xoojiyo hoggaaminta Soomaaliya, la taageero ciidamada ammaanka, la wiiqo kooxda Al-Shabaab, la xasiliyo deegaannada laga xoreeyo, iyo in dalka si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga marka la gaaro dhammaadka 2029.

Midowga Afrika ayaa horey heshiis isfaham ah ula galay waddamada ciidamadu ka imaanayaan, kuwaas oo kala ah: Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya, Nigeria iyo Uganda. Dalalkan ayaa door weyn ka qaadan doona hawlgallada amniga iyo bixinta taageero istiraatiiji ah. Heshiisyadaas isfahamka ah ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo xafiiska sharciyeynta Midowga Afrika si ay u noqdaan kuwo rasmi ah, kadib wadahadallo hore uga dhacay Addis Ababa iyo Kampala oo lagu dejiyay khariidadda howlgalka cusub.

Howlgalka AUSSOM waxaa loo oggolaaday in uu yeelan karo illaa 12,000 askari, oo ay ku jiraan 680 boolis ah, hase yeeshee qorshuhu waa in tiradaasi la dhimo dhamaadka sanadka 2025.

Dhibaatooyinka Dhaqaale ee Howlgalka

Howlgalka AUSSOM ayaa durbaba wajahaya caqabado dhaqaale oo culus. Mudadii u dhaxeysay Janaayo ilaa Juun 2025, howlgalka wuxuu u baahnaa $90.4 milyan, balse waxaa la helay kaliya $16.7 milyan, taas oo keeneysa baahi dhaqaale oo gaareysa $73.7 milyan.

Waxaa la qorsheeyay in dhaqaalaha howlgalka lagu daboolo nidaam cusub oo isku dhafan, oo oggolaanaya in ilaa 75% miisaaniyadda sanadlaha ah lagu bixiyo lacagaha ay bixiyaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, laga bilaabo 1-da Luulyo 2025, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM (2719/2023). Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta nidaamkan cusub waxay ku xiran tahay go’aan laga gaaro kahor 15-ka Maajo 2025, waxaana wali taagan su’aalo la xiriira sida dhaqaale waafi ah loogu heli karo howlgalka.

Khataraha Xaaladda Amni

AUSSOM ayaa hawlgalkan bilaabaysa iyadoo kooxda Al-Shabaab ay waddo weerarro isdaba joog ah oo ay ku qabsadeen dhulal cusub, taas oo dhalisay walaac dhinaca amniga ah. Shir ay bishii Abriil 2025 ku yeesheen Uganda dalalka ciidamadu ka imaanayaan ayaa lagu codsaday in la kordhiyo tirada ciidamada howlgalka, iyadoo la soo jeediyay in lagu daro 8,000 askari oo dheeraad ah.

Midowga Afrika ayaa dadaal ugu jira sidii loo heli lahaa dhaqaale iyo taageero buuxda oo howlgalka AUSSOM ah, si loo sii wado xasilinta Soomaaliya loogana hortago khatarta sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira howlgalka cusub iyo xaaladda amni ee dalka kala soco Warbaahinta Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *