Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo skaashi ku dhisan wax wada qabsi oo dhex mara labada dhinac.
Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Talyaaniga ee garab istaaga Soomaaliya, taasi oo ku dhisan xiriir soo jireen oo aad u fog, iyadoona sidoo kale labada dhinac ay ka wada hadleen isku xirka Dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo Muqdisho, hirgelinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh dhalinyarada iyo in Dowladda Talyaaniga ay qeyb ka qaadato dib-u-dhiska dhismooyinka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah qorshaha horumarka iyo bilicda Caasimadda.
Waxaa kaloo ay labada dhinac isla soo qaadeen doorka ay dowlada talyaaniga ka qaadan karto horumarka muuqda ee ka socda caasimada dalka ee Muqdisho oo ay ugu horeyso dib u dhiska caasimada iyo maalgashiga dhanka ganacsiga.


