Mareykanka oo Taageeray Dadaalka Itoobiya ee Raadinta Marin Badeed Nabadeed iyo Diblomaasiyadeed

Addis Ababa – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageertay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto in ay hesho marin badeed, iyadoo adeegsaneysa waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed, sida uu shaaciyay Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga.

Safiir Massinga, oo wareysi siiyay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA), ayaa sheegay in Mareykanku uu si buuxda uga garab taagan yahay hammiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka deked, taas oo uu ku sifeeyay mid muhiim u ah kobaca dhaqaale iyo xasilloonida gobolka.

“Dal sida Itoobiya oo kale ah, oo leh koboc dhaqaale iyo dad tiro badan, u helidda marin ganacsi oo bad ah ma aha mid kaliya muhiim ah – waa lama huraan,” ayuu yiri Safiir Massinga.

Safiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay in ay taageerto Itoobiya iyada oo loo marayo habab kala duwan oo ay ka mid yihiin waddooyin ganacsi, iskaashi diblomaasiyadeed iyo xalal nabadeed. Wuxuu sheegay in taasi ay muujineyso muhiimadda uu Mareykanka siinayo xiriirka istaraatiijiyadeed ee kala dhaxeeya Itoobiya iyo geeddi-socodka isdhexgalka gobolka Geeska Afrika.

Hadalka Safiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Itoobiya ay si weyn u xoojinayso dadaallada ay ku raadinayso helitaanka deked, gaar ahaan kaddib heshiiskii muranka dhaliyay ee ay bishii Janaayo 2024 la saxiixatay Somaliland, kaas oo horseeday xiisado diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inkastoo uusan Safiirku shaacin deked gaar ah oo Itoobiya damacsan tahay in ay si rasmi ah u adeegsato, haddana waxaa muuqata in Addis Ababa ay xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay waddamada badda leh sida Jabuuti, Kenya, iyo Imaaraadka Carabta.

Diblomaasiyaddan cusub ee Itoobiya ayaa imaneysa xilli ay dowladdu dadaal xooggan ugu jirto in ay xaqiijiso xasillooni iyo horumar dhaqaale oo joogto ah, iyadoo la tixgelinayo baahida ay u qabto marin ganacsi oo toos ah si ay u xoojiso doorkeeda gobolka iyo suuqyada caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *