MAREYKANKA OO DIIDAY INUU TAAGEERO MAALGELINTA QARAMADA MIDOOBAY EE CIIDAMADA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

New York – Dowladda Mareykanka ayaa si cad u diiday inay taageerto qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo hadda ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Go’aanka Mareykanka ayaa dhaliyay walaac weyn oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka caalamiga ah ee la dagaallama ururka Al-Shabaab. Diidmada Mareykanka ayaa imaaneysa xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qorsheynayo inuu 15-ka May cod u qaado hab-maaliyadeed isku-dhafan oo ku saleysan Qaraarka tirsigiisu yahay 2719.

Inkasta oo horey Mareykanku uga aamusnaa codsiyadii hore ee la xiriiray maalgelinta AUSSOM, hadda wuxuu si rasmi ah u muujiyay in aanu taageersaneyn dhaqaalahaas. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa 8-dii Abriil u sheegay warbaahinta PassBlue in dowladda Mareykanka aysan u arkin Soomaaliya meel ku habboon in lagu tijaabiyo nidaamka maalgelinta isku-dhafka ah ee lagu saleeyay Qaraarka 2719.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in nidaamkaasi uu noqon karo caqabad hor leh oo hor istaagta xallinta mushkiladaha amni, wuxuuna ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan sida ay Mareykanku u wajahayaan codbixinta Golaha Ammaanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa isaguna muujiyay walaac xoogan. Warbixin uu 10-kii Abriil u gudbiyay Golaha Ammaanka ayuu ku sheegay in xaaladda dhaqaale ee haatan jirta ay khatar weyn ku tahay hawlgalka AUSSOM, taasoo saameyn karta dadaallada lagu xasillinayo Soomaaliya.

Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si buuxda u taageeraan codsiga maalgelinta, si loo helo nidaam dhaqaale oo joogto ah, la saadaalin karo, islamarkaana taageeraya howlgalka nabad ilaalinta iyo dadaallada lagula tacaalayo khatarta Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *