Maraykanka oo markale sheegay in la burburiyay nukliyeerkii Iran, iyo Iran oo beenisay

Washington/Tehran – Xiisadda siyaasadeed iyo mid milatari ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa weli cirka isku sii shareereysa, iyadoo labada dhinac ay si isa soo taraysa u kala fogaanayaan, mid kastana uu sheeganayo guulo istiraatiiji ah, isla markaana uu beeninayo guulo uu sheeganayo dhinaca kale.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay si adag ugu weeraray warbaahinta gudaha iyo warbixinno la xiriira qiimeynta weeraradii dhowaan Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran. Wasiirka ayaa ku tilmaamay weeraradaasi “guul taariikhi ah” oo lagu burburiyay saldhigyo muhiim ah oo Iran u lahayd dhanka horumarinta hubka nukliyeerka.

Hegseth ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujinayo geesinimada ciidamada Mareykanka, gaar ahaan 44 askari oo uu sheegay in ay difaaceen saldhig ay Iran weerartay oo ku yaalla Bariga Dhexe. Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadatay iskaashiga difaac, taas oo uu ku tilmaamay in ay ahayd adeegsigii ugu ballaarnaa ee nidaamka difaaca gantaalaha Patriot-ka ee taariikhda milatari ee Mareykanka.

Wasiirka Difaaca ayaa si cad u beeniyay warbixin kasoo baxday Sirdoonka Milatari ee Mareykanka (DIA) oo sheegtay in weeraradu aysan si buuxda u burburin xarumaha nukliyeerka Iran. Waxa uu ku eedeeyay warbaahinta inay buunbuuniyeen warbixintaas, islamarkaana ay “majara habaabin” ku sameeyeen aragtida dadweynaha, halkii ay si dhab ah u muujin lahaayeen guulaha la gaaray.

Isagoo sii hadlaya, Wasiir Hegseth wuxuu ku dhaleeceeyay suxufiyiinta in ay mar walba raadiyaan fadeexado halkii ay dariiq u siin lahaayeen wararka wanaagsan, sida isdiiwaangelinta sare ee ciidamada iyo kororka kharashaadka dalalka Yurub ay ku bixiyaan amniga guud. Waxa uu xusay in warbaahinta ay si ula kac ah uga indho-tireyso guulaha uu sheegayo inuu gaaray maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweyne Trump, oo si muuqata ula socday shir jaraa’idka Hegseth, ayaa qoraallo dhaliil ah ku daabacay baraha bulshada, isagoo warbaahinta ku eedeeyay inay faafinayso “sheekooyin been abuur ah.” Wuxuu sidoo kale sheegay in suxufiyiinta qoray wararka ku saabsan qiimeynta sirdoonka “laga eryi doono shaqooyinkooda.”

Dhanka kale, Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khumayni, ayaa muuqaal horay loo sii duubay oo maanta la baahiyay ku sheegay in weerarada Mareykanka iyo Israa’iil aysan waxyeello la taaban karo u geysan xarumaha nukliyeerka Iran. Wuxuu sheegashada Mareykanka ku tilmaamay buunbuunin ujeedadeedu tahay qancinta shacabka Mareykanka iyo taageerayaashiisa siyaasadeed.

Khumayni wuxuu sheegay in Mareykanku u galay dagaalka si uu u badbaadiyo “xaakimiyadda Zionist-ka” – isaga oo ula jeeday Israa’iil – wuxuuna carabka ku adkeeyay in haddii Mareykanku uusan taageerin Israa’iil, ay burburi lahayd.

Dhanka kale, Dowladda Iran waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Caalamiga ah ee Kormeerka Nukliyeerka (IAEA), go’aan ay ansixiyeen Golaha Ilaalinta Dastuurka ee dalkaasi, kuna tilmaameen mid leh miisaan sharciyeed oo buuxa.

Agaasimaha Guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa sheegay in uu weli xiriir la leeyahay mas’uuliyiinta Iran, balse aysan jirin wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxay Tehran, wuxuuna tilmaamay in tallaabadaasi ay jabinayso waajibaadka Iran ee ku saleysan heshiiskii xakamaynta hubka nukliyeerka (NPT).

Dagaalkii dhowaan u dhexeeyay Iran iyo Israa’iil – oo Mareykanku markii dambe ku biiray – ayaa la joojiyay kaddib xabbad-joojin aan rasmi ahayn, balse weli lama xaqiijin karo xasilloonideeda. Khubaro amni iyo diblomaasiyiin ayaa ka digaya suuragalnimada in dagaalku mar kale dib u qarxo, maadaama xiisaddu aysan weli si dhab ah u degin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *