MARAYKANKA OO DHIMAYA AWOODDA SAFAARADDIISA MUQDISHO ISLA MARKAANA XIDHAYA SAFAARADO KALE OO BADAN – CNN

Washington – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay xidhayso ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay dalalka caalamka, sida lagu sheegay dukumeentiyo sir ah oo ay heshay telefishinka CNN, kuwaas oo laga diyaariyay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Xogta CNN ay heshay ayaa sidoo kale muujinaysa in dowladda Mareykanku ay si weyn u dhimi doonto hawlaha ay ka waddo safaaradaha Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo laga dhigi doono xafiisyo kooban oo si xaddidan u shaqeeya. Labadan dal ayaa ah kuwo muhiim u ah istaraatiijiyadda Mareykanka ee la dagaallanka argagixisada caalamiga ah.

Warbixinta ayaa xustay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo uu wado maamulka Madaxweyne Donald Trump, kaasoo lagu yareynayo kharashaadka dowladda, gaar ahaan kharashaadka ku baxa adeegyada diblumaasiyadeed. Waaxda cusub ee kor u qaadista waxtarka adeegyada dowladda – oo uu hoggaaminayo ganacsadaha Elon Musk – ayaa la sheegay in ay hoggaamineyso isbeddelkan.

Dukumeentiyada la helay ayaa soo jeedinaya in la xiro ugu yaraan 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood, kuwaas oo ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya, iyo Kariibiyaanka. Dalalka la sheegay in la xiro safaaradaha ku yaalla waxaa ka mid ah Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Kongo, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Koonfurta Suudaan.

Wargeyska New York Times ayaa dhawaan qoray in khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay madaxda Aqalka Cad ee Mareykanka ku saabsan masiirka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa soo jeediyay in safaaradda gabi ahaanba la xiro, iyagoo ku dooday in Soomaaliya aysan ahayn waddan Mareykanku dan gaar ah ka leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa mar dambe caddeeyay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Mareykanka ayaa weli saldhigyo ciidan ku leh gudaha Soomaaliya, waxaana uu siiyo taageero dhanka tababarka, sirdoonka iyo duqeymaha cirka ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Trump uu horey u xiray hay’addii gargaarka dibadda ee USAID, kadib markii la joojiyay miisaaniyaddii ay ku shaqeyn jirtay. Waxaa sidoo kale la xiray idaacaddii caanka ahayd ee Voice of America (VOA), taasoo door muuqda ku lahayd hirgelinta siyaasadda dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan diblumaasiyadda dadweynaha ee lagu kasbado taageerada shacabka caalamka.

Ilo-wareedyo diblumaasiyadeed oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay uga hortagi lahayd in Mareykanku ka laabto joogitaankiisa, maadaama uu door muhiim ah ku leeyahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Sida la sheegay, dowladda Soomaaliya ayaa Washington ugu deeqday maamulka dekeddo dhowr ah, kuwaasoo ay rajeynayso in ay noqdaan qodob muhiim ah oo Mareykanka kusoo jiida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *