Maraykanka oo cunoqabatayn saaray xubno ka tirsan Al-Shabaab

Washington – Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa maanta shaacisay war qoraal ah oo lagu xusay in xarunta la-dagaallanka maalgelinta argagixisada (TFTC) ay si wadajir ah cunaqabateyn dhaqaale ugu soo rogeen 15 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay door muhiim ah ku leeyihiin maalgelinta iyo abaabulka falalka argagixiso ee Soomaaliya.

Xarunta TFTC, oo la aasaasay bishii May ee sanadkii 2017, waxaa xubno ka ah todobo dal oo kala ah: Mareykanka, Baxreyn, Kuweyd, Cumaan, Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Cunaqabateyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada isbahaysigan uu ugu jiro in laga jaro khawaarijta khayraadka ay ka helaan shacabka Soomaaliyeed iyo deegaannada ay ka hawlgalaan.

Liiska 15-ka xubnood ee la cunaqabataynayo ayaa kala ah:

  1. Xasaan Abshir Xuuroow – Horjooge sare oo ka tirsan sirdoonka iyo maaliyadda kooxda, wuxuu si xoog ah lacag uga ururiyaa shacabka Jubbada Hoose.
  2. Aadan Yuusuf Saciid Ibraahim – Mas’uul ka ah baadda laga qaado dadka ku dhaqan Shabeellaha Hoose.
  3. Mumin Dheere – Ku-xigeenka horjoogaha guud ee kooxda ee Jubbada Hoose.
  4. Macallin Burhaan – Taliyaha kooxda loogu yeero “Xisbada” ee Jubbada Hoose, lana sheegay inuu dhibaatooyin ka geysto deegaannada uu maamulo.
  5. Cali Axmed Xuseen – Horjoogaha kooxda ee Shabeellaha Hoose.
  6. Maxamed Cali – Horjooge malleeshiyaad, xiriir dhowna la leh Cali Dheere, Burhaan iyo Xuuroow.
  7. Axmed Kabadhe – Horjooge hore oo kooxda u qaabbilsanaa Jubbaland, qorsheeyayna weerarro badan.
  8. Siyaad Ayuuto – Horjooge ka tirsan kooxda “Xisbada” ee Jubbada Hoose, horeyna u ahaa mas’uulka howlgalada aagga Kismaayo.
  9. Xasan Yariisow Aadan – Mas’uul ururiya lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka Shabeellaha Hoose.
  10. Siciid Cabdullaahi Aadan – Khabiir ku ah qaraxyada, isla markaana mas’uul ka ah ururinta lacagaha kooxda.
  11. Maxamed Cabdullaahi Xiireey – Horjoogaha guud ee kooxda ee Jubbooyinka, mas’uulna ka ah marin-habaabinta warbaahinta.
  12. Cabdi Roobow – Qorsheeyay weerarro dhacay, gaar ahaan kuwa ka dhacay deegaanka Cabdalle Biroole, isaga oo la shaqeynayay Cali Dheere.
  13. Aadan Abuukar Malayle – Maamulaha lacago si qasab ah looga qaado shacabka Soomaaliyeed.
  14. Aadan Jiis – Maamule xarun marin-habaabineed iyo maxkamado been abuur ah.
  15. Cumar Guhaad – Horjooge sare oo si xoog ah lacag uga ururiya beelaha Soomaaliyeed.

Ujeedka Cunaqabateynta

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay cadaadiska sii kordhaya ee lagu saarayo shabakadaha maaliyadeed ee taageera kooxaha argagixisada. Cunaqabateyntan ayaa ka dhigan in dhammaan hantidooda ku jirta meel kasta oo xubin ka mid ah haysto ay tahay mid la xayiray, lana mamnuucay wax kala iibsiga caalamiga ah ee lala yeesho.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid farriin adag u diraysa kooxda Al-Shabaab iyo taageerayaashooda, iyadoo caddeyneysa in beesha caalamka aysan u dulqaadan doonin maalgelinta argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *