Madaxweyne Xassan Sheekh oo la sheegay Inuu Fashilmay

Muqdisho – qaar kamida xubnaha musharaxiinta Somaliya ayaa markale eed kulul u jeediyey dowladda uu hogaamiyo madaxweyne xassan sheikh, iyagoo sheegay in xassan u uku guul dareestay hanaanka hogaaminta dalka.

Suldaan Cabdi Qorane, oo kamid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku wajahayo, waxaana uu si toos ah farta ugu fiiqay madaxda sare ee dowladda federaalka ah.

Isagoo la hadlay warbaahinta ayuu sheegay in hoggaanka dalka uu gabi ahaanba ku fashilmay hogaaminta iyo jihaynta Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay sababtay dhaawac weyn oo soo gaaray midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo wadajirka ummadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in fashilka dowladda uu gaaray heer ay kooxda Al-Shabaab ka faa’iideysato, iyagoo bilaabay inay ka hadlaan barakicinta shacabka Soomaaliyeed — arrin uu ku sheegay mid halis hor leh gelinaysa amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay barakaca ka socdaan si xowli ah.

Maalmihii lasoo dhaafay muqdisho ayaa xaalad amni wajahaysay, waxaana jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo ay isa soo tarayaan dhaliilaha loo jeedinayo hoggaanka hadda talada haya ee Villa Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *