Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Hassan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magalda Asmara ee magaalo madaxda dalka Eritra manta, 25 December 2024.
Madaxweynaha Dalkaasi Eritrea Asias Afawerki ayaa wafdiga ku soo dhoweeyay magaalada.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, halkaasoo looga wada hadli doono qodobo ay ka mid yihiin ka wada shaqeynta amaanka labada dal, kan gobolka, xiriirka ganacsida iyo kan dhaqaalaha iyo arimaha siyaasada.
Eritrea ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo Soomaaliya u tababarta kumanaan ciidan oo leh qeybaha kala duwan ee xooga dalka Soomaaliya.

