Madaxweyne Xassan Sheekh oo Furay Kalfadhiga Todobaad ee Labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kalfadhiga todobaad [7-aad] ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwasoo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho, caasiamada Soomaaliya maanta oo ay taariikhdu ahayd, 29ka September 2025.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dib u xoreynta dalka, kobcinta dhaqaalaha, Xasilloonida siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda ee ay la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka 11-aad, isaga oo u rajeeyay in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kaga aaddan dhammeystirka Dastuurka, dimuquraadiyeynta dalka iyo xoojinta dowladnimada.

“Barlamaanka 11-aad, waxaa sharaf iyo ammaan u ah in uu ku dhiiraday qabyo-tirka Dastuurka oo ahayd howl la dib dhiganayay laga soo billaabo Barlamaankii 9-aad. Waa taariikh xusuus badan u reebi doonta jiilasha soo socdo, in aad tihiin kuwii ku dhiiraday dhammaystirka Dastuurkeenna. Waxaan rajaynayaa in Kalfadhigaan lagu dhammaystiro qabyo-tirka Dastuurka qeybaha harsan.”

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowladnimada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.

“Bilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya qodista shidaalka. Waxaynu horumarinaynaa kaabayaasheenna dhaqaale, oo ay ka mid yihiin jidadka, garoomada dayaaradaha, dekadaha oo lagu daray saldhig laga gano dayax-gacmeedyada, oo ah kii ugu horreysay ee Qaaradda Africa laga dhiso”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay in lala fariisto mas’uuliyiinta iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.

“Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka goos qabsaday inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadino, waana kusii soconaynaa wadadaas Alle idankii”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *