Madaxweyne Xassan Sheekh oo dhaawacyada macawisleyda iyo xooga dalka Isbitaalada Muqdisho ku booqday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Xassan Sheekh Maxamuud ayaa booqday  dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey ee ku jira Isbitaalka Xoogga dalka iyo qaar kamid ah Isbitaallada gaarka loo leeyahay si uu ula socdo xaaladooda caafimaad.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada Ciidamada oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso, waxa uuna u xaqiijiyey in Dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna, Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan”.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo Isbitalka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo Warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Maamulka Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeegyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *