Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee is-diiwaangeliyey, kuwaas oo door muhiim ah ku leh geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyadoo Madaxweynaha uu xisbiyada uga warbixiyay dadaalladii ay dowladihii kala dambeeyay, gaar ahaan 20-kii sano ee la soo dhaafay, u galeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay fursad ugu heli lahaayeen in ay si toos ah u doortaan hoggaan matala rabitaankooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhameystirka hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod. Wuxuu xusay in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada joogtada ah ee lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay yihiin tiir muhiim u ah xaqiijinta hannaan doorasho oo daah-furan, hufan, isla markaana sal u noqda dimuqraadiyad dhab ah.
Dhankiisa, hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee ka qeyb galay kulanka ayaa si weyn u bogaadiyey dadaalka dowladda ee ku aaddan dhammaystirka nidaamka doorasho ee dalka, iyagoo ku dhiirrigeliyey Madaxweynaha iyo dowladda in la kordhiyo wacyigelinta shacabka si ay u fahmaan muhiimadda iyo habka doorasho toos ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah wadatashiyo ballaaran oo dowladda Federaalka ay la leedahay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadda, kuwaasoo lagu doonayo in lagu dhiso hannaan doorasho oo loo dhan yahay, si dalku ugu tallaabsado marxalad cusub oo dimuqraadi ah.