Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay gogosha Wadatashiga Qaran ee Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo lagu wado in ay si rasmi ah uga furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.
Gogoshan oo ah mid uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay uu si joogto ah ugu hawlanaa diyaarinteeda, isaga oo kulammo wadatashi gaar-gaar ah la yeeshay madaxda hore ee dalka, madaxda dowlad-goboleedyada, ururrada siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay wadatashi dhab ah oo sal u ah dhismaha dowladnimo xasiloon, isagoona sheegay in shirka diiradda lagu saari doono arrimo muhiim u ah horumarka dalka sida: amniga iyo ciribtirka argagixisada, dimuqraadiyeynta iyo hannaanka doorashooyinka, dhammaystirka dastuurka, midnimada qaranka, iyo dhab-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta, madaxda bulsho iyo daneeyayaasha kale ee qaranka inay si firfircoon uga qeyb qaataan shirkan, ayna muujiyaan doorkooda hogaamineed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo mustaqbalka dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u xilsaartay guddiga farsamada ee shirkan in ay hoggaamiyaan diyaarinta iyo fududeynta arrimaha la xiriira gogosha, waxaana guddoomiyaha guddigan ah Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud.
Guddigu waxa uu la socodsiin doonaa siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee la casuumay wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan hab-raaca shirkan iyo u diyaar-garowgiisa, si loo helo wadatashi miro-dhal ah oo horseeda xal waara iyo dowladnimo ay ku mideysan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
