Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Isbitaalka Demartino si uu Ugu Kuurgalo Xaaladda Dhaawacyada Geesiyaasha Macawiisleyda

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Demartino si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee halyeeyada Macawiisleyda ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada askarta geesiyaasha ah, isaga oo muujiyay sida ay dowladda federaalku uga go’an tahay inay si buuxda u daryeesho, isla markaana ay bixiso dhammaan adeegyada iyo taageerada ay u baahan yihiin.

“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo dhiirrigelin iyo bogaadin u jeediyay geesiyaasha dhaawaca ah.

Kaddib booqashadaas, Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybo kala duwan oo ka mid ah Isbitaalka Demartino, halkaas oo uu warbixin rasmi ah kaga dhageystay maamulka isbitaalka. Warbixinta ayaa diiradda saartay adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku siiyo bulshada, caqabadaha haysta, iyo qorshayaasha horumarineed ee la hiigsanayo mustaqbalka dhow.

Madaxweynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto daryeelka iyo garab istaagga ciidanka iyo halgamayaashii naftooda u huray difaaca dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *