Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal xooggan gelisay raadinta aqoonsiga caalamiga ah, isagoo xusay in ay waraaqo rasmi ah u direen dalalka caalamka si ay u gaadhaan yoolkaasi.
Madaxweyne Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qaran buuxa oo door muuqda ka qaadan kara nabadda Geeska Afrika, isagoo tilmaamay in khibradda ay bulshada Somaliland u leeyihiin dhismaha dowladnimada ay ka dhigeyso mid wax ku ool ah oo lagu xasillin karo gobolka.
“Go’aankii ay gaadheen hoggaamintii SNM, beelaha iyo shacabka Somaliland ee la xidhiidhay ka bixitaanka midowgii 1960-kii, wuxuu ahaa go’aankii ugu saxsanaa ee la gaadhi karo. Haddii aan la qaadan gooni-isu-taagga, ma gaadhi lahayn heerka maanta aynu joogno,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in ay aaminsan yihiin in Soomaalida inteeda kale ay ugu dambayn garwaaqsan doonaan in xal loo helayo dhibaatooyinka jira ay u baahan tahay in qolo walba ay si madax-bannaan u saxdo wixii khaldamay. “Waxaanu doorannay waddo nabadeed oo aan ku xallinno khilaafaadka, una aasaasno dowladnimo xor ah oo hufan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay waayo-aragnimo qoto dheer oo la xidhiidha dhismaha hay’adaha dawliga ah, taas oo uu ku dooday in haddii Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado, ay wax weyn ka qaban karto dib-u-habaynta iyo xasillinta Soomaaliya inteeda kale.
“Waxaanu ku kalsoonahay in Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ah qaran madax-bannaan, ay door muhiim ah ka ciyaari karto xal u helista mushkiladda Soomaaliya muddada dheer haysatay,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu dalalka dariska iyo beesha caalamka ugu baaqay in ay si dhab ah u tixgeliyaan dadaallada Somaliland ku doonayso aqoonsiga, isagoo shaaciyay in dhawaan uu madaxda caalamka u diray waraaqo rasmi ah oo uu kaga codsanayo in Somaliland si buuxda loogu aqoonsado qaran madax-bannaan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale xusay in xasilloonida gudaha iyo dib-u-heshiisiinta bulshada ay yihiin tiirarka ay Somaliland ku dhisantay, taasoo uu sheegay in ay tusaale u noqon karto dalalka burburay ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan nidaamka caalamiga ah.
Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ka jeediyay xuska sannad-guurada 18-ka May ee madaxbannaanida Somaliland, isagoo xusay in Somaliland si guul leh isugu dhafay dhaqanka, diinta Islaamka iyo dowladnimada casriga ah. Waxa uu sheegay in ay qabteen siddeed doorasho oo xor iyo xalaal ah, kuwaas oo dhammaantood ku dhacay si nabad ah oo hufan.