Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Al-Alamayn ee dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi.
Inta uu ku sugan yahay dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweyne Al-Sisi, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal. Kulankaasi ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dhanka amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin xaaladaha Badda Cas iyo xasilloonida Geeska Afrika.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u mahadceliyey Dowladda Masar, gaar ahaan Madaxweyne Al-Sisi, soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka qotoda dheer iyo walaaltinimada ka dhaxaysa labada shacab.
Dhinaca kale, warbaahinta dalka Masar ayaa si weyn u hadal hayey kulanka labada Madaxweyne, iyagoo xusay in la filayo in kulankooda lagu falanqeeyo arrimaha la xiriira Badda Cas iyo suurtagalnimada ka mid noqoshada ciidamada Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xiisado siyaasadeed oo la xiriira biya xireenka ay Dowladda Itoobiya ka sameysay webiga Nile. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Itoobiya ay qorsheynayso inay qabato munaasabad furitaan ah oo ku saabsan mashruucaasi, iyadoo martiqaad u dirtay dalalka Masar, Sudan iyo Soomaaliya — inkastoo Masar iyo Sudan horey u muujiyeen diidmadooda mashruucaasi.
Waxaa la filayaa in socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu door weyn ka ciyaaro kobcinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada gobolka, gaar ahaan marka la eego xaaladda cakiran ee Badda Cas iyo saamaynta ay ku yeelan karto amniga gobolka.

