Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu ka dhaxeeyo xiriir weeyn oo toos ah, taasoo sahashay in labada dhinac tababarka iyo hubka is-dhaafsadaan, iyagoo khatar ku ah amniga Badda cas iyo gobolka Geeska Africa.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu weli socdo, islamarkaana caqabado badan dowladiisa kala kulmayso, inkastoo ay jiraan guulo muuqda oo laga gaaray tan iyo dib u doorashadiisa.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay muddo 18 sano ah la dagaallamaysay Al-Shabaab, iyadoo ay adeegsanayaan awood milateri, xannibaado dhaqaale iyo xeelado kale oo dhinaca sirdoonka iyo taageero ka timaadda saaxiibada caalamiga ah.
Madaxeyne Xassan ayaa yiri in al-Shabab aan weli si toos ah looga guuleysan laakiin awoodoodi la wiiqay ka dib marki dowladda ay ka qabsatay meelo badan oo koonfurta iyo baramaha Soomaaliya ah
Hadalkan ayaa imaanay ayadoo ciidamada macawisleyda iyo kuwa dolwada ay dhowaan ka qabsadeen al-Shabaab goobo badan u ku yaal Gobolka Hiiran ee Dowlad Goboleedka HirShabelle.