Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad shuruud la’aan ah

Laascaanood – Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa habeenkii xalay khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Madaxweyne Firdhiye ayaa si rasmi ah ugu baaqay maamulka Somaliland in ay nabad iyo deris wanaag la yimaaddaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in baaqaasu yahay mid aan wax shuruudo ah lagu xirin.

“Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxa aanu ku baaqnay nabad, welina waan ku taagan nahay. Nabad aanay shuruudi ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u dhimaysa doonistayada,” ayuu yiri Madaxweyne Firdhiye, isagoo tilmaamay in SSC-Khaatumo marna aysan ogolaan doonin wax kasta oo halis gelinaya jiritaankooda siyaasadeed.

Madaxweynaha SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si toos ah ula wareegto doorkeeda ku aaddan hoggaaminta geeddi-socodka nabadda ee u dhaxeeya SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

“Xukuumadda DanQaran iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan ugu baaqaynaa inay qaataan doorka hoggaamineed ee nabadda, intii ay dowlado shisheeye qaadan lahaayeen. Ha isu keento labada dhinac, ha na wada hadashiiso. Wanaag aan waxba ka hoosayn ayaan rajaynaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay Firdhiye.

Baaqan Madaxweyne Firdhiye ayaa imaanaya saacado un kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu si cad u shaaciyay in maamulka SSC-Khaatumo uu yahay maamul rasmi ah oo hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ka mid yahay maamul-goboleedyada dalka.

Hadalladan isbiirsaday ayaa u muuqda kuwo muujinaya isbeddel weyn oo ka socda xaalada siyaasadeed ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Sool, halkaas oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ka jireen khilaaf siyaasadeed iyo iska horimaadyo hubeysan oo u dhexeeya deegaanka SSC iyo Somaliland.

Waxaa la filayaa in hadallada labada masuul ay saamayn ballaaran ku yeeshaan mustaqbalka xiriirka u dhexeeya SSC-Khaatumo, Somaliland iyo Dowladda Federaalka, iyadoo la sugayo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan dhinacyada ku lugta leh arrintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *