Madaxweynaha Jubbaland oo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabahii keenay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Fedaraalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay si qoto dheer uga hadlay waxa keenay khilaafka adag ee kala dhexaaya dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo halkuu kasoo bilaawday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii golaha wadatashiga qaranka sababaha uu uga baxay ay aheyd mudo kororsigii lagu sameysanaayey iyo inuu eegay danaha beesha Daarood oo uu xusay inuu kaligiis ka joogay shirka, isagoona Raysal Wasaare Xamse ku tilmaamay inuu yahay nin aan wax awood ah ku lahayn dowladda.

Wuxuu kaloo dowlada soomaaliya ku tilmaamay inay tahay shirkad ku shaqeeyneysa caqliyadii 1991dii.

Dhanka kale, wuxu sheegay in raysal wasaaraha oo beel ahaan u matala isaga, inuusan wax shaqo ah hayn xafiiskiisuna wax shaqo ah ka socon ee uu yahay nin shirkad shaqeyneysa ku biiray iyadana u shaqeeya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay dagaalka Al-shabaab, isagoona tusaale u soo qaatay weerarada Al-shabaab ay ka wadaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo uu xusay in ciidamada Soomaaliya aysan u heyn niyad ay ku dagaalamaan.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali aanan wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo Jubbaland ee gaaray gacan ka hadalkii dhiiga ku daatay ee ku dhexmaray labada dhinac magaalada Raaskambooni dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *