Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Wargaadhi

War-gaadhi, Shabeellaha Dhexe – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka War-gaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida iyo shacabka deegaanka ee xaq-u-dirirka u ah la-dagaallanka Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa kulammo la qaatay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen ciidamada iyo halgamayaasha deegaanka. Wuxuu sidoo kale ammaanay guulaha isdaba joogga ah ee laga gaaray dagaalka, isagoo tilmaamay in maalmahan la jabiyay Khawaarijta oo la geliyay cadaadis milatari oo xooggan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hoosta ka xarriiqay in gulufka mideysan ee ka socda Hirshabeelle uu yahay mid mira-dhal ah, isla markaana lagu soo afjari doono Khawaarijta naflacaariga ah. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay muujiyaan midnimo, niyad-wanaag iyo garab istaag buuxa oo ku aaddan ciidanka iyo howlgalka socda.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda iyo ciribtirka Khawaarijta, isagoo xusay in halgankaasi uu yahay mid ay taariikhdu xusi doonto.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka Hirshabeelle ku dhiirrigelinayo ciidamada iyo shacabka iskaashanaya ee ka shaqeynaya xasilinta iyo xoraynta deegannada ay dhibaatada ku hayaan kooxaha Khawaarijta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *