Madaxweynaha Aljeeriya oo aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Aljeers – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabuun, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Munaasabadda lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Aljeeriya ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadda Qaranka ee Dibedda iyo Arrimaha Afrika, Mudane Maxamed Ataf.

Madaxweynaha Aljeeriya ayaa Safiirka cusub ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo muujiyay sida ay Aljeeriya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Dhankiisa, Safiir Yuusuf Xasan Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo dowladda Aljeeriya soo dhaweynta diirran, isaga oo ballan qaaday inuu si hufan uga shaqeyn doono horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi, iyo iskaashi ee labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *