Madaxweyna Xasan Sheekh oo gaaray Kampala

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, iyada oo labada Madaxwayne ay sidoo kale ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.

Talaabadan ayaa ka mid ah talaabooyiinka ay dowlada federaalka ah ku xoojineeyso cilaaqaadka dibolomaasi ay la leedahay dalalka caalamka oo ay ugu horeeyaan kuwa dariska ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *