Madaxeynihii hore Shariif Sheekh Ahmed oo Ka Hadlay Amniga Dalkla

Boqolaal dhalinyaro aha ayaa ku soo biiray Xisbiga Siyaasada ee HIMILO oo uu hogaamiyo Madexeynihii Hore Mudane Shariif Sheekh Ahmed ka dib xalfald lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxeeyne Shariif oo u qudbadeynaayay boqolaalkaa dhalinyarada ah ayaa diiradda saaray xaaladda amniga dalka iyo qorshaha hub-ka-dhigista ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa caddeeyay in amniga dalka uu weli yahay mid aan la isku halleyn karin, isagoo tilmaamay in dowladda aysan dammaanad qaadi karin badbaadada siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee mucaaradka.

Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd wuxuu ku adkeystay in aysan hubka dhigi doonin, isagoo sabab uga dhigay ilaalinta nafsadooda iyo badbaadinta howlahooda siyaasadeed. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku tilmaamay qorshaha doorashada qof iyo codka ah ee ay waddo dowladda mid aan la isla oggolaan, kuna sifeeyay qorshe ma dhalays ah oo aan u adeegayn shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah ayaa muddooyinkii dambe ka waday magaalada Muqdisho olole diidmo ah oo ka dhan ah qorshaha doorashooyinka ee dowladda. Mucaaradku waxay ku eedeeyeen dowladda inay wado qorshe u xaglinaya Madaxweynaha talada haya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku baaqay in la abuuro hannaan loo wada dhan yahay oo ku saleysan heshiis qaran.

Sheekh Shariif ayaa khudbaddiisa ku muujiyay sida ay mucaaradku uga go’an tahay inay u istaagaan xaqiijinta dowladnimo hufan oo dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *