Macawisleyda Hiiraan oo Amar Culus Dul Dhigay Haweenka Dagaalyahanada Al-Shabaab

MOQOKORI – Saraakiisha kooxda deegaanka ee Macawisleyda gobolka Hiiraan ayaa amar culus ku soo rogay haweenka ay qabaan dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, iyagoo ku amray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada hoos yimaada dowlad-goboleedka Hirshabelle.

Amarkan ayaa lagu shaaciyay kulan ay Macawisleydu ku yeesheen degmada Moqokori, halkaas oo ay ku sheegeen inay durba diiwaan geliyeen afar haween ah oo la tuhunsan yahay inay qabaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo xusay in ay weli ku raad joogaan haween kale oo lagu tuhmayo xiriir dhow ay la leeyihiin kooxda.

“Xaaskii amarkan ka hor timaada, annaga ayaa si toos ah gacanta ugu saari doona deegaanka, waana laga saarayaa gobolka,” ayaa lagu yiri bayaan adag oo ay shaaciyeen saraakiisha Macawisleyda.

Macawisleyda ayaa ku eedeeyay haweenkan inay yihiin “ka khatar badan raggooda”, maadaama – sida ay hadalka u dhigeen – ay yihiin isha xogaha militari ee ay Al-Shabaab ku beegsato ciidamada deegaanka. Waxay ku andacoodeen in haweenkan ay sirta ciidamada iyo dhaqdhaqaaqyada Macawisleyda si toos ah ugu gudbiyaan nimankooda ka tirsan Al-Shabaab.

Tani waa markii ugu horreysay oo amar noocan ah uu si cad uga soo baxo Macawisleyda Hiiraan, waxaana weli aan caddayn sida ay dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabelle uga falcelin doonaan tallaabadan.

Amarkan ayaa imaanaya iyadoo Macawisleydu ay weli hoggaan u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, iyadoo taageero buuxda ka helaya qaar kamid ah shacabka deegaanka iyo ciidamada dowladda.

Tallaabadan ayaa si weyn u dhalin karta dood sharci iyo mid bani’aadantinimo, iyadoo la is weydiinayo xadka awoodda ay kooxaha deegaanka u leeyihiin in ay amarro noocan oo kale ah siiyaan shacabka, gaar ahaan haween aan si toos ah u hubeysneyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *