Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa dib u bilaabay gargaar cunto oo degdeg ah oo gaaraya $169.8 milyan, kaas oo la siinayo Soomaaliya, kadib markii uu horay si lama filaan ah u hakiyay. Go’aankan cusub ayaa si weyn u yareeyay walaacii ka jiray gudaha hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Lacagtan ayaa lagu maalgelin doonaa barnaamijyo muhiim ah oo ay wado Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo ay ka mid yihiin nafaqeynta carruurta nafaqo darradu saameysay, bixinta raashiin gargaar ah, iyo adeegyada duulimaadyada degdegga ah ee gargaarka bani’aadannimo.
Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dhowr dal oo si lama filaan ah loogu hakiyay gargaarka dhowr toddobaad kahor, tallaabadaas oo qeyb ka ahayd isbeddel weyn oo lagu sameeyay siyaasadda gargaarka dibadda ee Mareykanka, xilli uu Madaxweynaha Trump isku dayayo in uu dib u habeeyo sida Mareykanku u wajaho arrimaha caalamiga ah.
Go’aankan degdegga ah ee dib loogu bilaabay gargaarka, wax yar kadib hakintii hore, wuxuu muujinayaa cadaadis gudaha ah oo sii kordhaya iyo jahwareer ka dhex jira hab-maamulkii maamulka Trump ee la xiriiray gargaarka bani’aadannimo.
Sida ay sheegeen lix ilo-wareed oo si dhow ula socda arrintan, ugu yaraan lix barnaamij oo gargaar ah ayaa dib loo hawlgeliyay. Kuwaas waxaa ka mid ah barnaamijyada raashiinka ee Soomaaliya, Suuriya, Lubnaan, Urdun, Ciraaq, iyo Ecuador.
Go’aanka dib-u-celinta ayaa lagu shaaciyay email gudaha ah oo uu diray ku-simaha ku-xigeenka Agaasimaha USAID, Jeremy Lewin, kaasoo hore uga tirsanaa Waaxda Hufnaanta Dowladda ee uu hoggaamiyo Elon Musk.
Gargaarkan dib loo bilaabay wuxuu noqonayaa mid muhiim u ah malaayiin Soomaali ah oo ku tiirsan kaalmo bani’aadannimo, xilli abaaro, sicir-barar iyo amni-darro ay sii wiiqayaan nolosha bulshada.