BAYDHABO – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyaa ayaa hadal kasoo saaray dadkii dhawaan loo dilay habka aanada qabiil ahaa, waxaana ay sheegeen in talaabo ay ka qaadi doono dadkii ka dambeeyay falkaas guracan ee ka gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaa deegaan hoostaga dagmada Wanlawayn.
13 ruux ayaa lagu dilay maalin kor halka 5 ruuxna lagu dhaawacy kuwaas dhamaantooda loo beegsaday aano qabiil .
Gudoomiye kuxigeenka amniga walawayn oo shabelle ka hadlay ayaana carabka ku adkeeyay in si dag dag hool galo usamayn doonaan gacantana kuso dhigi doonaan dadkii ka dambeyay dhacdadaan.
Dhacdadan ayaana noqotay mid hadal hayn badan ka dhalisay bulshada Soomaaliyeed aad uga argagaxeen.
Sidoo kale, ehelka sida gaar ah dhibkaas loo gaystay mas’uuliyiinta dowlada ku matalada iyo odoyaasha dhaqanka ehelka oo warbaahinta ka hadlay saacidihii ugu dambeyay ayaa si caro leh ugu hadlay dhibka loo gaystay waxayna maamulka koofur galbeed ugu baaqeen in jawaab dag dag uu kubixiyo .