M/Waqooyi Bari oo Jawaab kulul ka bixiyey duqeyntii lagu dilay Nabadon Cumar

War qoraal ah oo kasoo baxay oo kasoo baxay maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa ayaa lagu sheegay inay tahay wax aad looga xumaado dilkii loo geystay dhawaan nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim, kaasoo ka dhacay 13-kii Sebtembar 2025 l degmada Ceelbuh, gobolka Sanaag, waxaana ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka uu nabadoonka duqeynta lagu dilay ka baxay.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilkaasi uu yahay fal fool xun oo liddi ku ah dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka. Waxaana masuuliyiinta maamulka uu si adag u cambaareenayaa diyaaradaha aan la garanayn ee ka hawlgala hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo loo arko halis weyn oo ay wajahayaan shacabka iyo deegaannada gobolka oo idil.

Sidoo kale, maamulka Waqooyi Bari waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta hawada iyo badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay qeyb ka noqoto baadhitaanka dilka nabadoonka si caddaalad loo helo.

Ma jiro ilaa hadda warar madax banana oo muujinaya sababta duqeynta lagu qaarijiyey nabadoonka, waxaana dilkan uu dhaliyey hadal heyn dadka deegaanka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *