Magaalada Qandala oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland waxaa Caawa laga soo werinyaa in duqeyn diyaaradeed lagu xasuuqay qoys deganaa degaanka Sixna.
Diyaaradaha wax duqeeyay oo loo maleynayo kuwa Drons-ka ee aan duuliyaha lahayn islamarkaana caawiya Dowlada Somalja ayaan wali la ogeyn Dalka laga leeyahay.
Ugu yaraan sadex iyo toban qof oo labo haween yihiin halka kow iyo tobanka kale la sheegay in caruur yihiin ayaa ku dhintay duqeynta caawa ka dhecday dagaankaas,
Dadka dhaawqcyada qaba ayaa la soo sheegayaa inaysan heysan gurmad madaama goobtu tahay meel miyi ah oo aan ka dhaweyn magaalo islamarkaana gaadiidku geli karin.
Labada Haween ee geeriyooday waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Xaawo Axmed Saalax iyo Ladan Ismaaciil Muumin.
Masuuliyiinta Maamulka Puntland Iyo Dowlada Faderaalka midkoodna wali kama hadlin dhacdadaani waxaase lagu wadaa inay war ka soo saaraan saacadaha soo socda insha Allah.