Israel oo xabsiga ka sii deyneysa 620 reer Falastiin ah

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil iyo Masar, heshiis ayaa laga gaaray siideynta 620 Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil

Maxaabiistan ayaa lagu waday in la sii daayo Sabtidii toddobaadkan, balse waxaa dib u dhigay RW Netanyahu oo ka caraysan, hannaanka ay Xamaas uga faa’iideysato sii deynta maxaabiista Israa’iil oo ay ku soo muujiyo awoodeeda milateri

Waxaa la sheegay in Khamiista toddobaadkan la sii deyn doono  620 Falastiiniyiinta, kaddib dadaallo ay sameeyeen dhex dhexaadiyayaasha heshiiska.

Maxaabiistan ayaa lagu bedeshay lix Israaliyiin ah iyo meydadka afar kale oo Xamaas ay sii deysay Sabtidii ina dhaaftay waxaana hadda dhamaaday wejigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta ah oo ku eg 28 Febraayo, welina ma jiro heshiis laga gaaray xabad joojinta wejiga labaad oo dhigeysa in la sii daayo dhamaan maxaabiista la heysto dagaalkana la soo afjaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *