IS DIIWAN GELINTA COD BIXIYAYAASHA DOORASHADA QOF IYO COD AH OO MUQDISHO KA BILAABATAY MAANTA

Shacabka ku dhaqan degmada taariikhiga ah ee Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa si buuxda ugu soo baxay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka deegaanka, taas oo si rasmi ah uga bilaabatay saaka magaalada Muqdisho.

Degmada Shangaani ayaa noqotay degmada ugu horreysa ee lagu bilaabo howlaha diiwaangelinta doorashada golaha deegaanka, arrintaasoo qeyb ka ah dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka Soomaaliya.

Dadweynaha deegaanka oo isugu jira dhalinyaro, haween, iyo odayaal dhaqameed ayaa safaf dhaadheer ugu jiray xarumaha diiwaangelinta, iyagoo si muuqata u muujinaya rabitaankooda ah in ay codkooda ka dhiibtaan aayahooda siyaasadeed, islamarkaana door muuqda ka qaataan hannaanka doorasho ee dalka.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday xarumaha diiwaangelinta si ay u kormeeraan habsami u socodka hawsha. Waxay sheegeen in degmada Shangaani ay tusaale wanaagsan u tahay sida shacabka looga wacyi geliyay muhiimadda ka qeybgalka doorashooyinka.

“Shacabka Shangaani waxay muujiyeen biseyl siyaasadeed iyo wacyi sare oo mudan in lagu daydo. Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladaha hoose,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta doorashada oo la hadlay warbaahinta.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa kuwo laf-dhabar u ah dhismaha maamul hoose oo hufan, iyagoo sare u qaadaya doorka ay shacabka ku leeyihiin go’aannada siyaasadeed ee dalka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay degmooyinka kale ee gobolka Banaadir si tartiib tartiib ah ugu biiraan geeddi-socodka diiwaangelinta, iyadoo lagu wado in dhammaan muwaadiniinta u qalma in ay codkooda dhiibtaan ay helaan fursad ay ku diiwaangashaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *