Iran oo Jawaab Adag Ka Bixisay Weerarkii Mareykanka, Duqeymo Baaxad Lehna Ku Qaadday Israa’iil

Tehran – Dowladda Iiraan ayaa saacado kooban kadib markii Mareykanka uu weerar ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee dalkaas, si degdeg ah uga jawaabtay weerarkaas, iyadoo duqeymo culus ku qaaday in ka badan 400 goobood oo ka tirsan dhulka ay maamusho Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa weerarka Iiraan ku tilmaantay mid ka mid ah weerarradii ugu xooganaa ee abid lagu qaado magaalooyinka Israa’iil, iyadoo la sheegay in nidaamyadii difaaca hawada Israa’iil aysan ku guuleysan in ay joojiyaan gantaallada Iiraan kusoo ridday dalkaas. Warbixinno hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkaasi uu sababay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Tallaabada Iiraan ay kaga jawaabtay weerarka Mareykanka ayaa sare u qaaday xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, waxaana falanqeeyeyaasha siyaasadda gobolka ay ku tilmaameen inay tani noqon karto bilowga wajigii ugu halista badnaa ee dagaalka gobolka ka socda.

Mareykanka ayaa weerarkiisa ku beegay xarumaha muhiimka ah ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan, tallaabadaas oo ay dad badan u arkaan mid si weyn u sii hurinaysa xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe.

Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda gobolka ayaa saadaalinaya in suuragal ay tahay in dagaalka sii ballaarto oo ay ku biiraan dalal kale, taas oo khatar hor leh gelin karta nabadgelyada guud ee Bariga Dhexe.

Ilaa hadda, labada dhinac kama aysan hadlin tirada saxda ah ee khasaaraha rasmiga ah, hase yeeshee wararka la helayo ayaa muujinaya in xaaladdu aad u kacsan tahay, iyadoo beesha caalamka ay walaac xooggan ka muujisay suuragalnimada dagaal ballaaran oo dhinacyo badan yeesha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *