Baydhabo – sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal amni ka sameeyay magaalada Baydhabo, waxaana lagu soo qabqabtay dhalinyaro looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Howlgalka oo ka dhacay xaafadaha magaalada ayaa sababay in xaafado badan oo Baydhabo ka mid ah ay xalay dadka ku soo jeedeen feejignaan darteed, waxaana wadooyinka lagu arkayey gawaarida ciidanka oo celinaya dadka wadooyinka socda.
Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka loo fuliyay si looga hortago weeraro amni darro oo la sheegay inay Al-Shabaab qorsheynayaan inay gudaha magaalada ka fuliyaan.
“Waxaanu howlgalkan ku xaqiijinaynaa nabadgelyada Baydhabo iyo ka hortagga falalka argagixiso ee kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaal katirsan laamanaha amniga Koonfur Galbeed.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo sugo nabadgelyada guud ee magaalada iyo guud ahaan gobolka Baay.
Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed lafta gareen horey u sheegay inuu la adkeeyo amniga lagana hortago weerarada Al-Shabaab islamarkaana laga saarayo goobaha ay ka joogaan Baay iyo Bakool, oo go’doomin ay ku hayaan degmooyin waaweyn, taasoo ka dhalatay sicir-barar.